Siduu Ahaa Xidhiidhkii ka dhexeeyay Koofi Anan iyo Somaliland

 

Hargeysa(OWN):-Professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa dhawaan Hargeysa ka sheegay in xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, aanu aqoon u lahayn Somaliland islamarkaana aanu haynin warbixino ku saabsan Somaliland

.Professor Samatar oo ka hadlaya kulan uu la yeeshay Kofi Annan ka hor intii aanu geeriyoon iyo sida uu uga xog la’aa arrinta Somaliland wuxuu yidhi “Inyar hadaan idiinku daro nin ahaan jiray xoghayaha Qaramada Midoobay oo Afrikaan ah oo magaciisa la odhan jiray Kofi Annan, jaamacada aan joogo ayuu arday ka ahaan jiray oo uu ka soo baxay 1959,

 

 

markii danbena waxa uu noqday boodhka jaamacada ninkii ugu magaca weynaa ee boodhkaas ku jira aniga iyo isaguna waxaanu noqonay labada Afrikaanka ah ee la garanaayo ee jaamcada joogay kolkaas waanu isku soo dhawaanay oo waanu sheekaysan jirnay sanadkii inaga tagay hadda ayuu yimi jaamacada isaga oo markaas sideetan jir ah, waanu ka hadlay,

 

 

kolkay xafladii dhamaatay ayuu yidhi inagu gooni ayaynu Afrika uga sheekaysanaynaa ee aynu is raacno gurigaygaan geeyay, markaas waxa uu igu yidhi haye Samatar Somaliya ka waran arimuhu baryahan halkay marayaan, waxaan ku idhi ma waxaad sheegaysaa Somaliyadii hore mise Somaliyada imika wadan kale ayaa jira oo la yidhaahdo Somaliland, yaa Somaliland ayaa jirta, sideebay u dhacday taasi waxiibaan yara micneeyay,

 

 

markaasu igu yidhi kuwii Ingiriiska xornimada ka qaatay 1960 sow maaha sheekadooda halkeebaan ka akhristaa ayuu igu yidhi iyo waxay Somaliya uga baxeen iyo waxaas oo dhan, waan waayay, wax yar oo meelahaas lagu qorqoray oo qaarkood aad loo naax naaxiyay oo marka farta la saaro ee la cadaadiyo jabaaya. Kofi Annan waxaan siiyo waan waayay. Somaliya in aan la dhayalsan oo dadka aduunka ee markhaatiga inoo noqonaayana in aan la dhayalsan waa dad inaga Cilmi Badan Oo Inaga Xarfad Badan.”

 

By Suxufi Sinyoore Hargaysa Oowaynemedia Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker