Kumannaan Israa’iiliyiin ah oo ka soo horjeeda xukuumadda Netanyahu oo dibad ka dhigay Talaabiib

Kumanaan dad ah ayaa isu soo bax ka dhigay magaalada Talaabiib galabnimadii Sabtida, kuwaas oo ka soo horjeeda, xukuumadda Ra’iul Wasaare Bin Yamiin Netanyahu, iyagoo ku eedeynaya in maslaxadeeda uun ay ka shaqaynayso.

Dadka isu soo baxay ayaa ku baaqayay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waxayna qaarkood shideen dab, halka qaar kalena ay qaadayeen heeso, wateena boorar ay ku qornaayeen hadallo ay uga soo horjeedaan Netanyahu.

Qaar kale ayaa xukuumadda ugu baaqayay in ay dadaal badan ka gasho sii deynta la haystayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas, waxana dibad bax kale oo isla magaalada lagu qabtay, halkudhig u ahaa “ku soo celi guryahooda”.

Dadka isu soo baxay iyo booliska ayaa isku dhacay dhawr jeer, waxana wargayska Haartis uu sheegay in boolisku ay ganaax lacageed oo gaaraya 277 oo doolar ay dul dhigeen qofkiiba, iyagoo ku eedeynaya in ay carqaladeeyeen isu socodka wadooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker