KHATARTA XARUMAHA DHAQAAN KU SHEEGA EE LA INO MAQAARSAREY IYO DAYACA XUKUUMADA

Ka waaweeyn.
((Wiigan waxay xustey caadada hawenka ama xaaydka, sadanbe maxaa Ku xiga? Ma waxay so watan farjiga hablaha hala xuso ? Salaamad ilahayow naga qabo))
Waxa cadowgeena diin,dal Iyo dhaqan ahaanba inala  colka ahi ino so beeren shaqsiyaad ay wax Ku so shubteen oo inala wadaga  diin,dhaqan,dal, Iyo qabiilba, Shaqsiyaadkasi waxay kolba irbad daloolked inagu dayaayn iney ina mariyan wixii lo so dhiibey, ilaa mesha ay irbad daloolked Ku eegen ay  aawr mariyan, Sikastaba ha ahaate darasadaha laga sameyay sida ugu fuxuud ee  lagu burburin karo dad Iyo dal dhisan aya waxa la isku raacsan yahay qabaabkan kooban ee hoose.
Hadaba Dal Iyo bulshadisa hadii aad doneyso inaad burburiso adiga oo aan dagaal cidan Ku qadin oo aan hal qof kaga dhiman. Ayad burburin karta waxaanad ka geleysa sadex meelod oo kala ah
1. Diinta
2.Dhaqanka
3. Iyo Dhaqaalaha
Sadexda hadi aad ka gasho bulsho cadowgaaga ah  waxaad ku burburineysa mudo ka yar sanawaad, waxaad howsha midhahedda guraneysa mudo ka yar hal  fac ama  hal generation,   Umaddas Iyo dalkisu Ku baaba’ayan.
 hadba bulshadda indhaheedu wa iney ka hadlan Aafadan fawaaxishka ah ee la ino #Maqaar_Sarey . inagoo raacayna Sidda Sharecada islaamku ina fartey Iyo   xadiiski Rasuulkeni moxamed (nnkh) wuxu yidhi xumaanta gacantada wax kaga qabo hadii aad kaga qaban kari waeydana, hadal wax kaga qabo hadi aad kaga qaban kari weydana, Qalbigaaga ka diid. Marka aqristow wa wajib ina saraan, sidaas awgeed wa in fadhiga laga kaca oo aan la dugsan balaayadan la  inoo daadey.
Wa bilaahi  Tawafiiq.
Qalinki:Khadar Kaariye

 

On Sun, 26 May 2019 4:47 pm xog iyo xaqiiq, <kaariyecune@gmail.com> wrote:
NINKA SHEEGA MA DHAAFTO
Warqad furan.
Wasiirka arrimaha guduhu max’ed kaahin Ahmed, waraaysigi shalay wuxu khatar Iyo halis Ku ahaa  qaranka Somaliland Iyo madaxweynahooga mudane muse bixi cabdi.
Safar ay mudu maalmo ah ugu Maqnaayen kenya casimadeda nairobe hoganka sare ee labada xusbi kulmiye Iyo ucud oo wakhtigan iska bahaystey xisbiga awooda badan ee waddani, ka dib markii ay ka so laabten wareysi ay Ku bixiyen geegida dayaradaha ee cigal waxay Ku sheegan sadex qadob oo uu dhacaya markhaatiyo fal danbiyeedyo Iyo tilmaan halisahoda leh.
hadi aynu so qadano qodobada halista Ku aha madaxweynaha Iyo qarankaba waxay kala ahaayen.
1. Waxay sheegen in lalaal kulmay oo xidhiidh lala sameeyn karo cidkasta oo mucaarad ku ah dowlada konfura somaaliya,wakhti xaadirkana ay jiran ururo islamiya Iyo xusbiyo mucaarada oo ay la  ciir ciirayso dowlada taagta daran ee muqdisho , Wasiirku wuxuu xidhiidhada iyo gacansinta kooxaha ku kacsan maamulka muqdizho  u daliishadey in dowlada konfurtu ay  sameeysay jabhado s/land ka so horjeeda oo rag caani Ku jiran wa sidu hadalka u dhigaye.
2.waxa kale oo aynu ognahay dowlada muqdisho in caalamku koolkoliyo o gacan Ku hayn yihin oo jimciyada qurumaha ka dhaxaysa u kireysay cidamo africana oo dhabta Ku haya waxa markhaati madoona nidaamka yar ee koonfur ka jira caalamka oo dhami inu  isagu tagay dhisidisa,Xasiloonideeduna ay  dan u tahay dalalka geeska africa, Cidkasta oo tacabka dunida burburineysana lala socodo o waliba lala  xisaabtamidoono logo ogowna in  maxkamado calamiyii jiran, Sidaas awogeed wuxuu maxamed kaahin inagu so jeediyay indhiihi caalamka khatartedana u leh qaranka S/land Iyo xukumadeeda.
3. Qodobkan sadexad waxaynu ognahay  in maamuulka khaatumo ee uu hogaamiyo pro.Cali khalif galeydh ay isaga Iyo xubnihisa #G9 ay mudo fadhiyen xamar iyago xukumada farmaajo ka rabey aqoonsi maamuul goboled  Maamuulka khaaatumo geed dheer Iyo geed gabanba wey u fulen iney muqdisho ka so qaatan warqada aqoonsiga maamul goboledka lakin way Ku so hu.gooben baaboco madhana wey kala yimaden,  Hadaba maxamed kaahin wareysigi shaley wuxu tilmaan cad siyay cid kasta oo lid Ku aha nidaamka muse bixi ee uu ka tirsan yahay halkii ay mari lahayen waxana ka so heli lahaayen, hadiii ay  jabhado tahay Iyo hadii ay maamuul goboledyo tahay, faalkaas ay Ku kaceena wa lafjab dalkena ay u so hooyen.
Madaxweeyne muse bixi waxaan leyahay warqadan furan dhugo,waxaad eegta aamnigi Iyo nabad galyadi Halkey mareyso maanta, Waxaad xusuusta doorki mihimka ahaa ee shacabku Ku lahayen ilaalinta nabad galyada, Iyo maanta halka wada shaqeeynti shacabka Iyo dowladu mareyso, waxa kaga filan sarkishi cidamada ee la badbaadin wayey Lana so qaban wayey dadki falka geeystey.
Ugu danbeyn   waxaanan kaga baxaya  tuducyadan qamaan bulaxan.
• Badiida ninba kula deydayi daalna ka badan.
• Dadkuna moodaya duulwada socda oo aan wax u dahsooneyn.
• Dilo malaha aakhiro hadii lo kitaqbdayo’e.
Qalinkii:- Khadar Kaariye Cune

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker