Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Qodobada Ergada Dhex dhexaadinta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Kulan warbaahineed maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay soo Jeedimihii ay Shalay soo saareen guddidii is xilqaantay ee u kala dab qaadaysay Xisbiyada Siyaasada si loo soo afjaro Khilaafkii siyaasiga ah ee u dhexeeyay.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumaddu ayaa sheegay in dawlada Somaliland ay soo jeedimahaasi u eegayso sharciga dalka u yaala, Waxa uu Wasiirku Cadeeyay in Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ay diyaar u yihiin sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinku,Maadama wakhti badani ku lumay dood ay la yimaadeen xisbiyadda mucaaridku wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa Yidhi “ Marka ugu horaysa waxaan rabaa inaan is dul taago labada qodob ee kala ah Kala dirka Komiishanka cusub iyo soo celinta Komiishankii hore, arrintaas ka dawlad ahaan iyadoo aanan ku darin sifo badan oo balaadhan dalku sida aad ogtihiin wuxuu leeyahay Shuruuc , distoor iyo golayaal sidaa daraadeed waxay dawladu ka qabtaa wixii sharciga Somaliland ka qabo, Waana arrin Sharci ee ma aha arrin maamul, Mar hadii aynu aqoonsanahay inaynu nahay ummad sharci kala hagayo in wixii sharcigu qabo dib loogula noqdo sharciyada’’

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxa uu soo dhaweeyay go’aanadii talo soo jeedinta ahaa ee ay soo saareen ergadii is xilqaantay “ Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa qodobadaas ay soo saareen odoyaashaas sharafta,karaamada iyo milgaha bulshadda reer somaliland ee ahaa in la is ixtiraamo, Xukuumadda aan afkeeda ku hadlayo waxaanu diyaar u nahay inaanu ixtiraamno soo dhawayno wada shaqayn dhab ah la yeelano xisbiyadda qaranka iyo qof kasta oo muwaadin ah oo dalkan ku soo kordhinaya fikir fiican oo dhismihiisa hore u wadaya Xisbiyaduna waxay ka mid yihiin qaab dhismeedka guud ee dawlada Somaliland iyo dimuquraadiyada aynu ku naaloono,Markaa mar kasta doorkooda iyo goobtooda ku haboonaanshaha xisbiyadu diyaar ayay dawladu u tahay”

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay qodobka ku saabsan Mudo kordhinta golayaasha ee Ku jiray go’aamadii Talo soo jeedinta ahaa ee ergadii is xilqaantay waxaanu yidhi “ Waxaan leeyahay wuxuu qodobkaasi u yaala Xisbiyadda qaranka, Xisbiyadu mudo faro badan ayay haysteen Kordhintu intii aanay dhicin ka hor inay ka wada hadlaan qaabka ay doorasho u wada gelayaan iyo qaabka ay ugu heshiinayaan sida ugu haboon ee loo qaban lahaa doorasho, Madaxweynuhuna inta aan ogahay mudo faro badan diyaar ayuu u ahaa in doorasho dalka ka dhacdo Laakin arrintaas sida aad og tihiin xisbiyada way ka dhamaan weyday oo waxaa Issue noqday xubnihii komiishanka doorashooyinka ee markaas taagnaa taas ayaana keentay in maalinba maalin sida ay u riixaysay inay isa soo taagto wakhtigii u danbeeyay ee mudo kordhinta golayaasha, Maanta waxay weli arrintaasi u taalaa Xisbiyadu inay ka wada hadlaan , Xukuumada Talada haysaana waxay diyaar u tahay inay doorasho gasho”. Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker