Musharax C/raxmaan Cirro Oo Gurigiisa Ku Booqday Sarreeye Gaas prof Jaamac Maxamed Qaalib

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa gurigiisa magaalada Hargeysa ugu tagay Sarreeye Gaas prof Jaamac Maxamed Qaalib

“Waxa aan booqasho ugu tagay hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Hargeysa Sarreeye Gaas Proff Jaamac Maxamed Qaalib [ Jaamac Yare] oo hore u soo qabtay xilalka Wasiirnimo, Taliyayaal Ciidan, haddana ah Qoraa & Bare Jaamacadeed oo runtii ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee keydinta iyo raad-raaca taariikhda Somaliland & Soomaalida xilkasnimo iska saaray.

Jaamac Yare, markasta oo aan kulanno, ogaalkayga wax weyn buu ku soo kordhiyaa, doorkanna amuuro culeyskooda leh baan ka sheekeysannay. Ilaahay Cimriga & Caafimaadkaba ha u kordhiyo. Aamiin,” ayuu Yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro

May be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 3 people and people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker