Maxaa Ka Jira In Wasiir Faratoon Uu Dhawaan is Casilayo , iyo Sababta?

Wariyaha   Luqmaan Maxamed ayaa bartiisa uu ku leeyahay facebook-ga soo dhigay war sheegaya in Arrimaha Dibada Somaliland Pro. Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon  la filayo inuu dhawaan is casilo , isagoo qoraalkaas ku sababeeyey ujeedada ka danbaysa is-casilaadada Wasiirka , qoraalkaas oo dhan wuxuu u dhignaa sidan:– 

 

” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Pro. Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon  ayaa dhawaan iska casili doono xilka Wasiirnimo ee uu ka hayo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sidoo kale wuxuu istiqaalada shaqo ka tagistana u gudbin doona Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Sababta Iscasilaada Wasiir Faratoon ayaa ah inuu u tartamaayo xildhibaanimada golaha wakiilada ee gobolka Sool laga soo dooranaya hadii uu ku soo baxana jagadaasi uu u tartami doono Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee cusub sida ay ii xaqiijiyen ilo xog ogaal ah oo ka ag dhow Wasiirka.

Wasiir Faratoon ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeyey ee Somaliland soo mara. ”

Weriye Luqmaan Maxamed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker