Maxaad ka Taqaanaa Boqolka Qof Ee Ugu Sumcadda Badan Qaaradda Africa .(Sawiro)

Repeni Poll International, oo ah Shirkad caan ku ah qiimaynta dadka sumcadda waanagsan ku leh adduunka, ayaa waxay sii deysay liiska boqolka qof ee qaaradda Afrika ugu caansan uguna sumcadda wanaagsan sanadkan 2020.

 

Liiskan waxaa ku jira 47 haween ah iyo 53 rag ah oo ka kala yimid waaxyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Hogaaminta, Madadaalada, U doodista, Waxbarashada iyo Ganacsiga. Shuruudaha xulashada ayaa ah Daacadnimo, Muuqaal iyo saamayn.

 

Shakhsiyaadka aadka loo jecel yahay ee lagu soo bandhigay liiska waxaa ka mid ah: Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, 2 Madaxweynayaal oo Afrikaan ah, hal Madaxweyne ku xigeen iyo siyaasad-sameeyeyaal.

 

Sannadkan waxaa ka soo dhex muuqday labo hablood oo Soomaaliyeed, oo kala ah, Ilwaad Elmaan, u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha iyo Faadumo Dayib, hore-na musharrax  madaxweyne    uga Ahayd Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker