Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Horyimid Xidhiidhka Cusub Ee Carabta iyo Israel

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka horyimid xidhiidh diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda.

 

Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xidhiidhka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaareen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xidhiidhka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan.

 

Mr. Geelle ayaa sheegay in ay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana aanayn hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xidhiidhka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda.

“Wadamo dantooda u arkay inay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, Dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar uun bey gaarayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti.

Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker