Midawga Yurub oo Mudadii u Kordhiyay Ciidamadooda Ku Sugan Biyaha Somalia iyo Somaliland

Muddo laba Sano ah ayaa loo  kordhiyay Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka ka wada Biyaha Somaliland iyo  Soomaaliya , Go’aankaasina Waxaa  dhaqan geliyay  Golaha Midowga Yurub.

 

Warbixin kasoo baxday Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay Biyaha Soomaaliya iyo Somalia sii joogi doonaan ilaa 31ka Diseembar ee Sannadka 2022,  Sidoo kalena Waxaa Ciidamada  la faray waajibaad Cusub.

 

 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in Ciidamadu  ay qaban doonaan Shaqooyin ay kamid yihiin, la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, daroogada, hubka iyo ka Ganacsiga dhuxusha.

 

Sanadkii hore ee 2020 Warbixin kasoo baxday Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa  lagu sheegay in Gacanka  Cadan uu kamid yahay marinada waaweyn ee lasoo marsiiyo hubka sharci darrada ah ee soo gala Soomaaliya.

 

 

Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa bilaawday markii Xeebaha Soomaaliya ay kusoo kordheen Kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalidu , in kastoo Sanadihii la soo dhaafay ay aad u yaraadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker