Maanso Keene iyo kordhiye
Keene iyo kordhiye
Keene. Waar yaa kordhiye saaxiib way faala beeshay
Waxay raacday wadadii xumayd ee jarka ku dhammaanay-say
Kordhiye. saaxiib waxa kasii daran gaadhiga la saran yahayna
Waa bilaa joojiye.
Maansada . ilameer
Ma bineeyo kii aan ahayn
Beedad-kii runahe
Aan bilaabo maansadan ba,ley
Soo ban-dhigi doonto
Ber yahaaba faalaan ku jiray
Iyo baxnaa-nayne
Wakhti baxay askari buuba hoo
Tala ka baydh baydhay
Botor iyo kolkii uu ciyaar shacab
Hor bood booday
Dhawr sano kolkuu bilic samaa
Baab kaluu furaye.
.
Beeshuu ka soo jeeday iyo
Baha wadaagtiisa
Baawar qolo ah waa kii dhisiyo
Beladi shaydaane
Waa tii badheedh meel kastaba
Booba ay timiye.
Basar xumiyo xaajadu markay
Buulashaw hoyatay
Markay baalal kibir yeelatee
Samada loo booday
.
Burco iyo waqooyiga markii
Bixida loo diiday
Markii ay berbera xaadireen
Baashe wada naaxay
Baabuurta shaca soo degsaday
Bililiqayn gaadhay
Waa tii baquu soo xidhmee
Ciilku buuxsamaye
Waa tii rasaas loola baxay
Bahalki weynaaye
Soddon baynu baabkaa nahiyo
Baas la soo maraye
.burso iyo haddii baadil iyo
Xumuhu beeraado
.
Waar bedela xumaantaa haddii
La isku biineeyo
Haddii baaq intii jeedisaba
Jeelka laga buuxsho
Haddii baar caddayn iyo aftaag
Ay ka bixi weydo
Ilameer hadday soo baxdiyo
Baga inaan qooqay
Ku bilaaba mooyee wax kale
Iima soo bixine
Guuleed liibaan snm1710@livecom