Shirkadaha Qaadka Keena Somaliland oo Joojinaya Qaadka ay Ka Keenaan Dalka Itoobiya iyo Sababta

Shirkadaha Qaadka Keena Somaliland oo Joojinaya Qaadka ay Ka Keenaan Dalka Itoobiya iyo Sababta Kaliftey

Shirkadaha Waaweyn ee Qaadka Keena Somaliland ayaa, Gabi ahaanba Joojinaya qaadka Dalka Itoobiya, ay hore uga Keeni jireen Kadib Markii Dawladda Itoobiya ka Baxdey Heshiis hore looga Gaadhey Cashuurta Qaadka, oo ay Dawladdu Laba jibaartey Sanadkii u Dambeeyay.

Khamiistii Shaley ayey Markii u horeysay Go,aan ku Xidhiidhsan Joojinta Qaadka Itoobiya Kasoo Saareen, Magaalada Hargaysa Shirkadaha Qaadku iyadoo go,aankani yahey Mid ay Heshiis ku yihiin oo Shirkad Kasta Sigaar ah u taabanaya Duruuf ahaan Waxaana Xusid Mudan oo Kalifaada joojinta Qaadka Itoobiya Sabab u ah Xiligan Heshiiska ay Qaadlaha kaga baxdey Dawladda Itoobiya ee Dhinaca jibriga oo Lagu heshiiyay kilo Walba 5 taas oo ay hadda ka dhigeen 10 iyagoo aan Wadatashi iyo Ogeysiin Midna La Samaynin.

Sikasta oo ay Tahey, Go,aanka Shirkadaha Qaadka ayaa ah inney Dalka Keeni doonaan Qaadka Dalka Kiiniya ee Miirooga Loo yaqaan iyo Waliba Qaadka Dalka Yamen ee Ticisiga Loo yaqaan, Waxaana Go,aan Qaadashadan Safka hore Kaga jira Shirkada ugu Weyn ee Qaadka Keenta Somaliland Gaafane Company, oo Kamid ah Shirkadaha Cashuurta badan soo galiya Somaliland iyo Itoobiya, Marar badana Qaatey Abaalmarinta Wasaaradda Maaliyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker