Al-shabaab oo weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday hotel ku yaalla magaalada, waxaana weerarkan durba mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ku bilowday qarax, kadibna rasaas la maqlay.

Goobjooge ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay VOA in weerarka lala beegsaday hoteelka Tawakal oo ku yalala waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker