Maxaa ka Jira In Dowlada Kenya Oo La Sheegay Inay Wakiil Usoo Magacaabayso Somaliland

Dowlada Kenya ayaa la sheegay in ay u soo magacaabayso wakiil cusub oo u joogi doona Somaliland , kaas oo ka shaqayn doono sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Somaliland iyo kenya.

 

Githiora Philip Mundia oo ah nin la sheegay in uu noqon doono wakiilka cusub ee Kenya u fadhiisan doonaa Magaaladda Hargeysa   ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, waxaanu in dhaweyd ahaa Safiir Ku Xigeenkii Kenya u joogay Dalka Ruushka.

Waxa uu madax ka soo naqday xarunta Kenya ku leedahay Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxa uu horay u ahaa xidhiidhiyaha xarunta la dagaalanka argagaxisada, waxa uu tiir dhaxaad uu ahaa dajininta geedi socodka Siyaasadda Armaha dibadda ee dalka Kenya.

 

Wakiilkan  cusub ee ay Dawladda Kenya u soo magacaabayso soomaliland ayaa ah mid ay ku karbaashayso xukuumadda soomaaliya, waxaana la filayaa in uu fududayn doono, kana shaqayn doono sidii ay soomaaliland iyo kenya xidhiidh wanaagsan u wada yeelan lahaayeen.

 

Dawladda Kenya ayaa u iib gaysa meelo badan oo ay Soomaaliya ku jirto jaadka, waxaana la filayaa in Dublomaasigan uu ka shaqayn doono sidii ay dawladiisa Kenya ugu iib keeni lahayd jaadka suuqyadda Somaliland.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker