Dhaqtarka Trump Ee ka Daweynaya COVID-19 Oo War Cusub soo Saaray

 

Sida uu sheegay dhakhtarka gaarka ee Aqalka Cad. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa haatan laga bilaabo cudurka COVID-19 dadka kale u gudbineyn,

Warbixintan Dr Sean Colney ee ku aaddan Caafimaadka Trump ayaa ah warbixintii ugu horreysay tan iyo khamiistii, iyadoo gelinkii hore uu Madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad.

 

 

Dhakhtarka ayaa sheegay in baadhitaannadii ugu dambeeyay ee muujinayeen in madaxweynaha uu ka sii yaranaayo fayraska, balse ma sheegin in gabi ahaanba xanuunka Covid-19 laga waayay madaxweyne Trump.

 

 

Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu COVID-19 u gudbinkaro dadka ka dib 3 maalmood uu isbitaalka ku jiray.

Toban cisho ka hor ayay ahayd markii Trump laga helay cudurka coronavirus, waxaana maalin ka dib la geeyay isbitaalka millatariga ee Walter Reed, halkaasoo muddo 3 maalmood ah lagu dabiibayay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker