Ciidanka Booliiska Magaalada Addis Ababa oo Xidhxidhay in ka badan 320 qof.

Ciidanka booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya  ayaa ku dhawaaqey iney xidheen in ka badan 320 qof.

 

Dadkan la xidhxidhey ayaa lagu eedeeyey iney ka wadeen magaalada hawl gal la xidhiidha TPLF, iyadoo la qabtey hub aad u tiro badan.

 

Madaxa booliiska Addis Ababa, Getu Argaw, ayaa ku sheegay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada, in dadka la xidhey ay fal dambigeed gacmaha kula jireen markii lasoo qabqabtey, haatanna uu baadhitaan ku socdo.

 

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya iney jiraan dad kaloo la xirey, kuwaasoo su’aalo laga weeydiinayo sababta ay uggu xadgudbeen calanka Itoobiya, mar ay ku sugnaayeen goobaha lagu caweeyo iyo madadaalada.

 

Xiritaanka dadka waxaa raacsan in booliiska ay gacanta ku dhigeen hub fara badan, sida uu sheegay madaxa booliiska.

 

Intii lagu guda jirey hawlgalkii dadka bada lagu soo qaqabtay, ayaa booliiska waxey baadhitaan ku sameeyeen 793 dukaan, goobo lagu caweeyo, hoteello iyo xarumo ganacsi oo kale, kuwaasoo sida ay sheegeen booliiska lagu tuhmay iney halis ku yihiin ammaanka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker