Codsiga cafiska General Caarre odoyada dhaqanka ee Garxajis ee ay Xukuumadda Muse isku doonida saaranyihiin way Isla meel,Dhinaca kale waxaa barbar socda mashruucii dagaalka ceel Afweyne oo in badan dabada laga riixayey isna isbedel siyaasadeed keenay in la joojiyo. Dagaalka Ceelafweyne waxaa in badan waday siysasad ciidan beeleed samaysatay. Isbedel siyaasadeed baa Xukuumaddii Kulmiye dusha kaga yimi intii Ciidankii sanaag bari u goostay xagga Puntland oo reer u gaar ahayd. Waxaa cali Khaliif SOMALILAND ka keenay waxay ahayd in Somalia wakhtigii Xassan sheekh loo diiday dawlad goboleed laakiin imika Sannaag Bari iyo sool iyo Caarre waxaa loo wadawadaa dawlad goboleed. Waxaa kaloo iyana pipe line ka soo jira sida Afghanistan iyo SOMALIA iyo Alshabaab wada hadal loo furo.
XUKUUMADDA KULMIYE markay arkeen dubaha ku soo fool leh inay talaabada u horaysa ay qaadan noqotaba inay dagaalkii Ceelafweyne ee ay shanta sano wadeen inay soo afjaraan oo labada reer ee ay dagaalka siyaasaddysan dhex dhigeen waxma garatadoodii dhinacay la hurinayeen faraha kalabaxaan oo ciidan beeleedka ay Buurmadaw iyo ina Xaashi wadeen la kala diro. Oday dhaqameedka ina Hirsi qani iyo ina Cabdiqaadir wateenna way Isla qaateen in Caarre la cafiyo cidankana iyagoo Ceergaabo jooga la qarameeyo laakiin dhawaaqii xalay shaashadaa la inaga tusayey ee dadka looga dhigayayey arin weyn wuxuu ahaa (fague) ee arin beri horeba la inoo sheegay bay ahayd . Waxaa la soo gaadhay wakhti intaanay dawlad goboleed ka SOMALILAND laga dhex samayndoonaa iman in Caarre lasoo xero xero geliyo.markay halkaa marayso wax waliba (cost) buu isu bedelay, Xukuumaddaa reer Xaraf na waxay aaminsantay Waa xoolo, KOL HADDAY XISAAB KUGU TUHMAAN XARAF LAGUU JIID. Caarre kharashkii lagu furdaamin lahaa ayaa sidii hoos loogu dhigi lahaa baa xisaabtiisii lagu jiraa.
Caarre iyo sanaag bari iyo Sool waa isku mawqif. CAARRE HADA ARINKIISA IYO CAFISKIISU WUU DHANYEY EE WAXAN LA DUL MARMARAAYAA WAA KHARASHKII KU BIXILAHAA WAXAN LA DHOOBDHOOBAYAA.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com