Ergayga QM U Qaabilsan SomalidaJames Swan oo War kasoo saaray Weerarkii Al-Shabaab ku qaaday xarunta QM ee Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa cambaareeyey weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday xarunta Qaramada Miidobay iyo AMISOM ee Magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Xalane.

War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in saacadda Muqdisho markay aheyd 1:15 pm uu dhacay weerarkaan madaafiicda ayna kusoo dhaceen gudaha Xarunta UN-ka iyo AMISOM gaar ahaan qeybta tas-hiilaadka ayna ku dhaawacmeyn dhawr qof.

“Waxaan aad ula yaabay ficilkaan argagaxa leh ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta” ayuu yiri James.

“ Nasiib wanaagse, inta badan shaqaalaheena waxba kuma noqon. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda” ayuu sii raaciyey.

Wax marmarsiiyo ah looma sameyn karo weerarkan naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxaa  wali ka go’an inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka.” Ayuu kusoo gabagabeeyey.

Warkaan kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa khilaafayo Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane oo sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitaalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane.

Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo Soomaali ahaa, oo isbitalka u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada Amisom.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker