Waxaan Rajaynayaa in Xanuunka Coronavirus uu Dunida kaga dhamaado Waxka yar 2 Sano ,, Madaxa Guud ee Hay,adda WHO

 

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlayay Jimcihii magalada Geneva, ayaa waxaa uu sheegay in Durigii ama hargabkii lagu magacaabi jiray Spanish flu ee caalamka ka dilaacay 1918 ay qaadatay in la soo afjaro muddo 2 sano ah.

Balse waxaa uu sidoo kale intaa ku daray in marka la eego hormarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada ay caalamka u suuragalayso in feyriska lagu joojiyo”muddo kooban “.

 

 

“Dabcan maadaama caalamku isku xiran yahay, ayaa waxa uu feyriska fursad u helayaa in uu sii faafo,” ayuu yiri Mr Ghebreyesus.

“Balse sidoo kale, waxaan haysanaa tiknoolajiyad lagu joojin karo iyo aqoon lagu horistaagi karo,” ayuu intaa ku daray.

 

 

Hargabkii caalamka ka dilaacay 1918 ayaa waxaa uu dilay ugu yaraan 50 milyan oo qof.

Feyriska Corona ayaa ilaa iyo imika dilay 800,000 oo qof islamarkana waxaa uu cudurka haleelay 22.7 milyan.

 

Dr Tedros ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo la xiriiray musuqmaasuq la sheegay in lagu sameeyay qalabka looga gaashaanto feyriska tan iyo intii uu feyriska bilaabmay, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid “dambi ah “.

 

“Nooc walba oo musuqmaasuq ah ma aha wax la aqbali karo,” ayuu ku jawaabay.

“Musuqmaasuqa la xiriira qalabka looga kaashaanto feyriska , aniga waxay iila muuqataa mid dil ah, sabbato ah haddii ay shaqaalaha caafimaadka shaqeeyaan qalabkaas la’aantii halis ayaan galinaynaa noolashooda.”ayuu yiri Dr Tedros.

 

 

Inkastoo su’aashaasi ay la xiriirtay musuqmaasuq la sheegay inuu ka dhacay Konfur Afrika ayaa hadana waxaa jira dhowr dal oo kale oo eedeymo musuqmaasuq wajahaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker