Golaha Xukuumadda Cusub ee Afghanistaan oo lagu dhawaaqay

Kabul (OWN) – Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaadh ah oo ay dhistay.

Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka uu dhalay aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa Loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani.

“Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaadh,” ayuu yidhi Zabihullah Mujahid.

“Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.”

Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda.

Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas.

Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aanay wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen.

Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ayaa bilaw u ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker