Dowlada Maraykanka ayaa Salaasadii shalay shaacisay inay qorsheenayso Inay Dar-dar-gelinayso Hawlgalada Militari Ee Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa  shaacisay inay qorsheenayso inay dar-dar geliso hawlgalada militari oo ay ka wado dalka Soomaaliya. Warkan ayaa laga soo saaray kulamo dhexmaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Militariga Maraykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser iyo Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Yamamoto oo kulamadan ka qeyb galay ayaa sheegay in hawlgalada militari ay qeyb weyn ka tahay taageerada Maraykanka uu la garab taagan yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

“…Amniga dalka Soomaaliya waxaa ku xiran xasiloonda gobalka oo dhan iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu dhisan lahaayeen…” ayuu yiri Ambassador Yamamoto.

Maraykanka ayaa sanadkan sare u qaaday duqeynta uu la beegsanayo saldhigyada iyo madaxda Al Shabaab iyo Daacish, xili ay soo baxayaan warar sheegaya in Maraykanka uu qorsheenayo inuu xaruntiisa [Afrika Command] oo hada ah dalka Jabuuti uu doonayo inuu mustaqbalka usoo wareejiyo dalka Soomaaliya, walow wararkaasi aan weli la xaqiijin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker