Xisbiga WADDANI Oo Walaac Ka Muujiyey Maxaabiis Daranyo Ugu Dhinta Mid Ka Mid Ah Xabsiyada Dalka

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xukuumadda ugu baaqay ina y si degdeg ah wax uga qabato xaaladda xabsiga Magaalada Berbera oo xisbigu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu liita ee dalka lagu xidho dalkeena isaga oo ku sifeeyey Cadaabtii Ifka sida uu xisbigu ku sheegay.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa qoraal kooban oo uu baraha Bulshada ku baahiyey waxa uu ku faahfaahiyey dhibaatada weyn eek a taagan xabsiga weyn ee Magaalada Berbera oo duruufta ka taagani aanay u saamaxayn in ay maxaabiista ku jirtaa ku noolaan karaan kaasi oo uu ku tilmaamay xabsi Cdaab ah oo dadka ku jiraa xataa gaadheen in ay isaga dartii u dhintaan.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme waxa uu sheegay in duruufta ka taagan xabsiga weyn ee Magaalada Berbera aanay ahayn wax la sii eegan karo isaga oo xukuumadda ugu baaqay in ay degdeg wax uga qabato oo xidho xabsigaasi.

Xoghaye Dhamme oo faahfaahin ka bixinaya xaaladda walaaca leh ee uu ku sheegay in ay k ataagan xabsiga Berbera waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan: “Xabsiga Berbera Cadaabta Ifka!. Xabsiga Berbera wuxuu ka kooban yahay 12 qol oo cidhiidhi ah, waxa lagu xidhaa qol kasta 30 maxbuus, waa dhisme dhagax ah oo qadiimiya waxaana dhisay gumaystihii ingiriiska, ma laha marawaxad, qaboojiye iyo daaqado waaweyn toona. Xilliyada xagaaga maxaabiista waxa ka baxa dubka iyo diirka, kulaylka ka dhaca ma malayn karo. Xaaladda nololeed awgeed waxa naftooda ku waayay maxaabiis badan, 11-28-2016 waxa isku daldalay 2 maxbuus, qaar kalena xaalad caafimaad oo hallis ah ayay galaan. Maanta waxa ku jira qolka 6-aad maxaabiis la il daran qaash iyo nabarro kulaylku kasoo saaray oo naf ka dhawrid ah, waajib waxa ku ah Wasaaradda Caddaaladda iyo maamulka gobolka in aan Xabsiga Berbera aadame ku noolaan karin cimilo iyo dhisme ahaan’ ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme.

Hay’adda xuquuqal Insaanka qaranka oo dhawaan sheegtay in ay kormeer ku soo martay xabsiyada dalka ayaan iyadu wax dhib ah ka sheegin xaaladda xabsiyada balse waxa ay maxaabiistu mar walba cabasho ka muujiyaan xaaladda xabsiyada dalka qaarkood oo mar walba walaaac culus laga muujiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker