Dowladda Turkiga oo Dad ku Dhaawacay Qarixii Ex- Cantrol Afgooye U qaaday Dalkeeda

 

Diyaarad millatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho iyadoo halkaasi ka qaadday 16 qof oo ka mid ah dadka ay soo gaadheen dhaawacyada halista ah ee ku dhaawacmay qaraxii

wuxuushnimada ahaa ee shalay lala beegsaday isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

 

Diyaaraddan  waxaa saarnaa dhaqaatiir Turkish ah oo caawin doona dadka dhaawaca ah saacadaha ay hawada kusii jiraan, ka hor inta aysan gaadhin isbitaallada Turkiga.

 

Qaraxii shalay subax waxaa ku dhintay 80 qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaadhaya 125 oo isugu jira kuwa qabo dhaawacyo culus iyo kuwa dhaawacyadoodu fudud yahay.

 

Dadkii ku geeriyooday qaraxaasi waxaa ku jiray laba injineer oo u dhashay dalka Turkiga oo ka shaqeynayay dayactirka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

 

Labadan Injineer ayaa meydkooda ay maanta diyaaraddan militeri ee Turkigu ka qaadday magaalada Muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale ku geeriyooday qaraxaasi in ka badan 20 arday oo u badnaa arday dhiganaysay Jaamacadda Banaadir.

 

Qaraxii shalay oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca, ayaanan jirin cid sheegatay mas’uuliyaddiisa ilaa iyo hadda.

 

Laakin dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacidda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, tan iyo sanadkii 2015-kii, Soomaaliya waxaa ka dhacay 15 qarax, 11 ka mid ah qaraxyadaasi ayaa lala beegsaday.

 

magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo iskuduubka dadka ku geeriyooday weeraradaasi ay gaarayaan boqollaal qof oo u badan shacab.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker