Ururkii Xaqsoor iyo Xisbiga qaran ee Wadani keebaa wadanisan

Garan mayo ururkii Xaqsoor inta cod ee uu heli lahaa hadii si cadaaladi ku jirto loo tiriyo ,  iyo in ay noqon lahayd tiro  uu xisbi ku noqdo iyo inkale . laakin waxaan ogahay oo xukuumada manta joogta  ,xisbiyada iyo komishankii hore ug yihiin  in ururkaa codadkiisii meelo badan oo Saylac illa Fiqifuliye   la lumiye,waxaa ka mid aha kuwa Hargeysa oo caasimadii ah dooxa lagu gubayhadh cad .  madaxda Xisbigu waxay martay dariiqii toosnaa ,haday komishan la xaali lahayd ,haday dawlada la xaali lahayd iyo haday Maxkamad ku raadsan lahayd waxay tabanayaan , laakin nasiib daro cidi dhag umay dhigin. oo waxaa lagu dhawaaqay natiijo aan sax ahayn, maaha muhim inuu urur xisbi ku soo baxo ,laakin waxaa muhim ahayd in la siiyo wuxuu helay oo xaalal ah .

Taasi waxay keentay in  taageerayaashi ururkaasi sameeyaan mudaahaarad  Dawladii Siiraanyo ee markaa wadanka ka talinaysayna ,xabad  dhaawac iyo dhimasho keentayna  kala hor tagtay.taasana keentay in taageerayaasha  qaarkood isku dayeyn in ay wadama debeda ka ashtakeyaan markii maxakamadahii guduhu diideen .

waxaase nasiib daro ahayd in aan shacabka Somaliland maalinta uga garaabin  cadaalo darada loo gaystay Uruka  laakin qaarkood  aflaagado  uGu dareen .                                                                    Maalmahaa waxaan xasuusta  qaar xisbiga Wadani ka tirsanaa oo markaanu ka sheekaysano natiijada doorashada iyo fal celiska taageerayaasha ururka Xaqsoor  odhan jiray waar wadanka sumcada ha ka xumaynina , waar naga fadhiista awlba afar qof baad ahaydeene,waxba maydaan hesheene.waxay iska dhigayeen asal Somalilander

Fal celiskaa  Madaxda iyo taageerayaasha Ururkii  Xaqsoor wax badan muu socon  mudo yar ka bacdi way joojiyeen  iyaga  oo u tudhaya  Somaliland tay u daadsheen dhiigooda,waxay  isu miisaame khasaaraha colaadu keento iyo faaiidada nabadu keento nabada aye doorteen, dib dambe hadal cabasho  iyo deelqaafa loogama maqal..  waxaan in badan shaashadaha ka daawaday Gudoomiyihii ururka oo munaasabado badan oo dawlado soo  abaabushay ka qayb galay.

Doorashada ururada waxaa inoogu xigtay tii la kala dooranayaaye seddex Murashax ee Madaxtinimada dalaka u ordaaye, ka bacdina waakii komishanka doorashadu ku dhawaaqaye in Marashaxii xisbiga kulmiye inuu ku guulaystay Kursigaa.

Intay ay socota ololaha  doorashadu   kuwa xisbiga Wadani  ku taageera qabiilka waxay hal hays ka dhigteen “ma dhici karto in aanu waynu  kursigaa” oo aan mar ahayn oo laba ahyn ,,oo aan meel keiya ahyn laakin meelo badan   hal hays laga dhigtay annag ayaa iska leh . taasi waata keentay in  natiijadii  oo komishinka doorashdu ku dhawaaqin in qaar madaxda xisbigaa ka tirsani faafiyeen in ay doorashadii heleen sidaa darted loo daabaal dago.meel walba waa laga dabaal dagay .,laysma waydiin komishankii ma ku dhawaaqay.

Muddo yar ka bacdi waa kii Komishanku ku dhawaaqay natiijadiisii  {Odhan maayo sax bay ahyd iyo qalad bay ahayd} wixii ka dhacay waaba la ogaa.waxaanse odhan karaa maalinta doorashadaasi dhacday waa maalin taariikhda Somaliland meel madow kaga jirta waayo waxay  ku suntantahay in ay noqoto :

  1. In{ bee} kamid ah beelihii xisbigaa kuwada jiray shir gaar ah qabsato Gudoomiyaha xisbiga Wadanina ka qayb galo isaga oo aan ixtiraamin  madaxdii iyo taageerayaashi beelaha kale e xisbiga Wadani .kalana tashan madaxdii kale
  2. . In markii ugu horaysa taariikhda  anigu aan maqlo labadaa beelood lagu casuumimaayo shirkayaga.oo waliba goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha xisbiga Wadani.
  3. In la sameeye guddi beeleed hawl maalmeel keedu noqday  kala fogaynta iyo kala erdhaynta shacabka Somaliland kuna dadaashay in ay durbaanka ka tunto Mataanimadii ay beel kale la ahayd .taas oo muraadka keliya ay ka lahaayeen ay ahyd in ay la DAGAAL galaan. Mataanka oo aha aka mid ah taageerayaashi ururkii Xaqsoor ee  aflagaada kala daaleen kuna sheegi jirin in ay qaadeen talaabo qaran dumis ah.
  4. Markii ugu horaysay kuwa xisbigaa dhufayska ka dhigtay waxay ku guulaysteen 2018 in aan laga wada qayb galin  xuskii 18 May, iyaga oo ku marmarsooday waa Ramaadaan,
  5. ,kuwaas sandkan  2019 way ka sii badbadiyeen oo waxay isku dayeen si naf lacaaridnimo ah in ay joojiyaan xuska 18 May iyaga  oo  shaki geliye  maalinta 18 May. Oo iyaga oo calanka buluug ah oo ah toobal care Somalidu maraykan ka soo xaday in  Somaliland la soo geliyo oo dhalinyaro loo xidho
  6. In laga been sheego taariikhda Somaliland   taariikhdaa  oo ay ka soo bilaabaan  markii Afweyn si sharci daro ah ku qabsaday Jamhuuriyadi Somali.
  7. In burush xaar la marmariyo halgankii SNM  ,oo shuhadadaii iyo halgamayaashii  beel gaar ah lagu sheego.
  8. In  Dhagar qabe  kelitaliyihii Afweyne inoogu sheegaan saciim wadani ah oo ceeb ka saliim ah
  9. In la dafiro xusuuqii Afweyne gaystay iyaga oo aan xishoonay ,shucuurta  ehelkii dadkooda la xasuuqayna   xaq dhowrayn.
  10. In Gudoomiyaha  Xisbiga wadani u hadlo taageerana dambiilayaal  si cad oga soo horjeestay  qarannimada Somaliland sidaa CabdiMalik Coldoon.
  11. Waxaa dhacday  in waxa cadowgu farxo in ay ku farxaan waxa uu ka naxana ka naxaan .
  12. Waxa baraha bulshda  ku batay qaar ka tirsanaan jiray iyo qaar weli ku jira oo  ay isku af yihiin  kooxda Nabar iyo Naxdin ee Xaarmaajo u  shaqaysa barana dhaafiye oo cadowgu ula baxay halgamayaal.
  13. In ay gubaan calanka iyo baasaboorka Somaliland
  14. Waa markii ugu horaysay ee qaar ka tirsan taageerayaasha Xisbigaasi ay  wadanka ka baxaan oo shufto  ku urursadaan  Majeerteeniya. Oo si cad ay u taageeraan  shuftadaas
  15. In Xisbiga Wadani yidhaa Shoodhe Afweyne  wuu iman karo
  16.  Talaabooyinka  xisbiga Wadani qaar ka mid ah ku kaceen waata keenta In lagu dheerado samaynta shufto bari illa galbeed is haysata.
  17.  

 

Waxaa aan kor ku soo sheegay iyo waxyaabo kalaba way jiraan ,waan ogahay in laga murmaayo oo la odhan doono waa shakhsiyaad, laakin  ta la hubaa waxaa weeye horta marka hore in ay tahay raadadkii aye doorashadu inaga tagtay , waxaani dhici karta  qaar farmaajo u shaqeeya in ay ku suu dhex dhuunteen oo ka faaidaysteen dhacdadaas.’

Anigu waxaa kor ku xusan u nisbayn maayo in ay beel hebel ka dambayso laagiin waa qaar magacooda ku shaqaysta , waayo hadii ay beel heblaayo  ka dambayso  foolxumooyaanka aan kor ku soo sheegay Somaliland may jirteen waa marka aan  ka fakiro in ay taakulo ka helaan Faqashta Cusub.

Hadaba maxaa la gudboon Xisbiga Wadani .

1, in waxaa aan kor ku soo sheegay iska fogeeyaan

2, in ay iska eryaan  kuwa  la shaqeeya Farmaajo .

3. in hadii ay Xukuumada  mucaarid ku yihiin la heshiiyaan  oo xaal siiyaashacbkii  ay meelkaga dhacen

4. in ay yeeshaan gudi anshax.

5.in ay si cad oga soo horjeetaan qorshaha  Farmaajo o oaf iyo adinba ku taageeran dawlada .

Hadii ay sidaasi dhiciwaydo

!. waa inxisbigu yeesha shirweyne lagu  dooranaayo madax Cusub

Hadii taana la diido .

  1. Waa in cidii Somaliland u damqanaysa iskaga baxaan xisbaaga..

Xisbiga Wadani oo keliya kuma eekaysiinayo  waxaa socda laakin Xukuumaduna qayb ay ka tahay bacdamaa ay  doorashooyinka taansul ka samayn wayday , .waxay ahy in Madxweynuhu eryo komishanka Doorashooyin . .xukuumadu  cadowga Somaliland waxay siisay  fursado ay  dab ku sii shido ,

Komishinka doorashooyinka qudhiisa  u damqanmaay Somaliland ,waayo way is casli lahaayeen si ay u so oaf jaraan marmarsiiyaha  Wadani.laakinmalaha lacagta ay qaataan  ayey ka joojisay in ay wadanka u tudhaan

Somalidu waxay tidha hadaan lakala roonaan roob ma da’o  muhimada uGu weyn ee aan doorashada ka leenahay,inta Ictiraafka ka horaysa waxaa weeye Somaliland doorasho kale ayaa ka dhacday. markaa hadaanu nahay shacabka Somaliland   Xukuumada , Xisbiyada Mucaaridka ah khaasatan Wadani iyo komishanka kolba kiinii tanaasula   ayaan magac iyo maamuus u ahayn .Xisbiyada waxaan mustaqbalka taageero xoog leh u muujinayna kii shacabka iyo dalak u damqda ee  isaga oo la musuqmaasaqay indhaha  ka qarsada ee aan cadowga Somaliland fursad siin.

 

 

cabdi Guul

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker