MW FARMAAJO IYO RW KHAYRE (N&N) WIXII SOOMAALI KA XUN MUDDO-XILOODKOODA IYAGA “KELIYA” AYAA KA MAS’UUL AH, YAAN CID KALE LAGU XOQIN.

axa beryahan danbe aad usoo badatay dad Soomaaliyeed oo eedaynaya hoggaanka sare ee dawladda federaalka Soomaaliya. Waxase aad iyo aad uga sii badan tirada dadka ah ee difaaca ula taagan hoggaanka federaalka oo wax kasta oo laga sheegona dhaliisheeda dusha u saaraya “maamul goboleedyada” amaba ku andacoonaya “shacabka Soomaaliyeed ayaa dad xun ah” oo aan ogolayn inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo raysalwasaaraha. Haddaba si loo fahmo waxa khaldan iyo cidda ka mas’uulka ah waxa haboon inaan jawaab u helo

1) Waa maxay siyaasad? Aniga aragtidayda siyaasaddu waa xal u helidda arrimo murugsan ama caqabado ummad hor taagan. Arrimahaasi waxay noqon karaan, nabadgelyo la’aan, horumar la’aan, isfaham la’aan ummadeed, xasarado taagan, dhaqaalo xumo iwm.
2) Waa maxay hoggaan? Hoggaan waa qofka laga rabo inuu xal u helo arrimaas aan kor ku soo xusnay.

Aan dib ugu soo noqonno hoggaanka Soomaaliyeed ee isula baxay Nabad & Nolol (N&N). Madaxweyne Farmaajo dharaartii la doortay waxa looga damaashaaday Soomaaliya gees ilaa ka gees. Xitaa dadkii gobollada waqooyi ayaa yididiilo cusub oo Soomaali wax wada yeelata ahi dib u soo gashay markii ugu horreysey muddo rubuc qarni ku dhow. Bal haddaba isweydii maxay xukuumaddan N&N ka qabatay arrimahan kor ku qoran. Bal laba qodob oo ugu muhiimsan inta kalena ku xidhan yihiin aan soo qaadanno. Waa amniga iyo wadajirka (isu ururinta dadka Soomaaliyeed si loo helo shacab midaysan) laga qabtay.

Tan wadajirka haddaan ku horreysno waxa muuqata in maamul-goboleedyadii iyo dawladdii dhexe sii kala fogaadeen intii N&N taladu gacantooda gashay. Waxa kale oo muran madoonto ah in nabadgelya darradii hore u jirtey aanay ka soo raynin ee ay kaba sii dartay, sida la sheegayona Al-Shabaab ay gudaha gobolka Banaadir iyo caasimaddii Xamar ku sii xoogaysteen oo qaraxyo ay ka fuliyaan iska daayee la sheegayo inay dadka, guryaha, ganacsiyada iyo dekeddaba ay cashuur ka qaadaan (sifahay doonaan ha u mareene). Waxa cad in ummad aan is aamminsanayn oo madaxdooda aamminsanayni aanay midoobayn, haddaan midnimo iyo kalsooni jirinna waxba ma wada qabsan karaan. Cidda laga rabey inay hawlahaas fuliyanna ay ahayd madaxda sare.

Yaa haddaba waxyaabahan qabsoomi waayey iyo dib-u-dhacan Soomaali ku yimid ee maanta taagan ka mas’uul ah? Ma shacabka, mise maamul-goboleedyada, mise hoggaanka sare ee dalka?

Si aynu taa u fahamno aan tusaaleyaal soo qaadanno.

Waddanka UK waxa Raysalwasaare loo doortay David Cameron 2010, wuxuu soo rogey barnaamij dhaqaale tashiilid ah dadka qaarna way ku taageereen qaarna way kaga hor yimaaddeen wuuse ku guulaystay inuu hirgeliyo barnaamijkiisii. Isla D. Cameron ayaa 2015 mar labaad la doortay. Xilligii ololaha doorashada ayaa koox ka mid ah xisbigiisa ay dood ku fureen, doodaasoo ahayd in Midowga Yurub (EU) aan dani ugu jirin waddanka UK. Mudane Cameron wuxuu ballan qaaday xiligaas ololaha inuu qaban doono afti dadweyne si dadku go’aan uga gaadhaan “inay EU ka baxaan iyo inay ka sii mid ahaadaan”. D. Cameron wuxuu is tusay inay dadku diidi doonaan ka bixidda EU sidaa daraaddeedna uu sumcad ku heli doono marar danbena uu isu soo taagi doono inuu Raysalwasaare sii ahaado kuna guulaysan doono. Aftidii waxay noqotay si ka duwan siduu filayey, wuxuuna isu arkay nin fashilmay oo aan dadka ku qancin karin natiijadii soo baxday maadaama isagu u ololaynayey in UK ay ka sii mid ahaato EU-ka. Go’aankiisii wuxuu noqday inuu is casilo oo dadka ka hor leexo.

Waxa la doortay Theresa May oo ballanqaadday inay hirgelinayso aftidii dadweynaha (BREXIT) oo muddo kooban UK kaga saarayso EU. Way ku fashilantay ballanqaadkii ay qaadday, go’aankeediina wuxuu noqday iyadoo ilmaynaysa oo qirsan inay fashilantay inay is casisho.

Lagama yaabo madaxdani iyagoo fashilkooda kula galgalanaya, “maamul-goboleedka Scotland baa EU rabta inaan laga bixin, Waqooyiga Ireland baa raba inaan Ireland lakal qoqobin, Walesh-ka ayaa lgaha na jiidaya iyo shacabkayagaa xun” Waddan kastaana waa sidaa xilka cidda loo dhiibto ayaa masuuliyadda qaadda khayr iyo sharba.

Aalaaba taariikhda waxaan ku maqallaa, xilligii Kennedy (USA), Napoleon (France), Franco (Spain), Mandela (SA), Churchill (UK), Kagame (Rwanda) iyo Siyaad Barre iwm. Dhammaan madaxdan waxa lagu xusaa wixii wanaag iyo xumaan dhacay xilliyadoodii. Marka sidaa la leeyahay iyagu gacantooda waxba kumay samayn ee masuuliyaddooda ayaa dhacdooyin wanaag iyo xumaanba lihi ku dhaceen.

Tusaale waxaad maqlaysaa, AHN Siyaad Barre “waa ninkii diyaaradaha ku duqeeyey Hargeysa, waa ninkii Af-Soomaaliga qoray, waa ninkii Itoobiya jebiyey, waa ninkii Soomaaliya ay farihiisa ku burburtay”. Waxaas oo dhan oo S. Barre loo tirinayo waa lagu weheliyey wanaag iyo samaanba laakiin masuuliyaddiisa ayay ku dhaceen isaga keliya ayaana loo nisbeeyaa.

Dadka sida indhaha la’ u taageersan N&N waxaad arkaysaa iyagoo wixii xumaadaba foodda u saaraya “maamul-goboleedyada ayaa ka masuula”, ama iyagoo leh “shacabka Soomaalida ayaa dad xun ah oo dawladda lugaha jiidaya”.

Waxa is weydiin leh, yaa horta maamul-goboleedyada u xilsaaray inay dhibka ummadda Soomaaliyeed oo dhan masuuliayadooda qaadaan? Maxayse tahay masuuliyadda maamul-goboleedku? Maamul-goboleedku masuuliayadiisu waa inay adeegga gaadhsiiyaan degaannada maamulkaasi ka kooban yahay. Hadday taa ku guuldarraystaanna waxa masuuliyaddeeda leh madaxweynaha maamul-goboleedkaas.

Midnimada, iyo nabadgelyada guud ee dalka Soomaaliya iyo horumarkiisaba waxaa ka masuul ah madaxda Federaalka, wixii xumaada iyo wixii samaadaba iyagaa masuuliyaddaas qaadaya. Maxaa dhacaya markaa haddii iyaga lala shaqayn waayo oo maamul-goboleedyadu ka hor yimaaddaan? Waxa dhacaya waa guuldarro, taana waxa ka masuula isla madaxda federaalka waayo shaqada ay isu soo taageen ee lagu aamminay ayaa ahayd inay kasbadaan quluubta ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed farsamadii ay ku kasban lahaayeenna (mid jecel iyo mid neceb-ba) iyagaa laga rabey. Hadday markaa awoodi waayaan inay la yimaaddaan aragti iyo farsamo ummadda ay ku mideeyaan taageeradoodana ku hantaan (maamul-goleed iyo shacab-ba) waddada keliya ee u furani waa inay aqbalaan inay fashilmeen ummaddii wax u dhiibatayna ay talada ku soo celiyaan si ummaddaasi isaga dhex raadiso cid shaqadii siyaasadda u qabata.

Gebagebadii: Midayntii dadka Soomaaliyeed iyo iskuhayntii dalka (wadashaqaynta federaalka iyo gobollada), iyo weliba suguddii ammaanka way ku fashilmeen hoggaanka N&N, maantana sida muqata wax gacan ugu jiraaba aad bay u yar yihiin, maamul-goboleedyadii waa wax ay burburiyeen iyo wax ay burburin kari waayeen oo ay kala hadaafeen. Xaqiiqadu waxa weeye way fashilan yihiine ummaddiina way gabeene ha aqbaleen fshilkaas oo laba arrimood midkood ha yeelaan.
1) Ha is casilaan ummaddana cafis ha weydiisataan si ummadu u raadsato cid iyaga dhaanta
2) Ha garowsadaan fashilkooda hana la yimaadaan qorshe cusub oo muddada dhiman ummaddana lagu midaynayo amniga iyo horumarkana wax lagaga qabanayo.

 

 

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker