Gabadh Somaliyeed oo Xayaysiiska dharka uga Hadhay Qadarin ay u Hayso Diinteed Islaamka

Xaliima Aadan oo ku caan baxday xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha kale, ayaa shaacisay inay ka hadhay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinteed  Islaamka.

 

 

Gabadhan ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma ee dalka Keny  haatanna ku nool Maraykanka, ayaa farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay “inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,”

 

 

 

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay wado Khalad ah, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

 

 

 

Farriin kale oo ay soo dhigtay Baraha Bulshada ayay kaga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

 

 

 

Xaliima ayaa sheegtay in Hooyadeed ay marar badan ka codsatay inay ka hadho mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.

 

 

 

“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaadhay. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.

 

 

Xaliima ayaa sheegtay in aanay Diinteeda u dayici doonin fashion-ka.

 

 

Waraysi ay siisay Warbaahinta Qaar  Dabayaaqadii 2019 xilligaas oo ay booqasho ku joogtay Kakuma ayay  kaga hadashay sida ay isugu dheellitirto shaqadeeda xayeysiinta iyo Diinteeda Islaamka.

 

 

“Ma jirto haweeney lagu qasbi karo inay xijaab xidhato mana jirto haweeney lagu qasbi karo inay iska dhigt xijaabka”, ayay Tidhi.

 

 

Xaliima ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban kasoo muuqatay majalladda Vogue.

 

 

Tartanka Quruxda.

 

 

 

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xidhan ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

 

 

Tartankaas kuma aysan guuleysanin inay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya inay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

 

 

“Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego inay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xidhanaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan”, ayay Tidhi.

 

 

Xilligaas waxyar kadib waxay qandaraas la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

 

Xaliima Adan: Kama qeyb gali doono tartanka quruxda mar kale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker