Maxaad kala Socotaa Noocyada Ugu Halista Badan Xanuunka Covid 19 ?

Maria Van Kerkhove, oo ah khabiir ku takhasustay cudurada faafa ayaa xaqiijisay in Ururka Caafimaadka Adduunka WHO , oo kaashanaya maamulayaasha caafimaadka maxalliga ah ee adduunka oo dhan, ay hadda ku raad joogaan saddex nooc oo fayraska Corona ah, kuwaas oo ah noocyo halis ah oo kala duwan.

Tani ayaa waxay timid intii lagu jiray qeybti 28 wareysi lala yeeshay Dr Pascal Anthony, oo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ku baahisay bogagga baraha bulshada, iyada oo looga dan leeyahay in kor loogu qaado wacyiga iyo wax ka ogaashaha corona virus, kaasi oo siyaaba kala duwan ay kaga hadleen macluumaada Caafimaadka Caalamka.

Khubaro caafimaad oo ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, ayaa sheegay in nooc ka mid ah Corona Virus oo loo yaqaano B.1.1.7, markii ugu horreysay laga helay Boqortooyada Ingiriiska, halka nooca labaad, ee B.1.351, uu ka soo muuqday markii ugu horreysay wadanka Koonfur Afrika, halka nooca sedaxaad ee P .1, markii ugu horeysay laga helay dalka Brazil.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, ayaa sheegtay in uu jiro koror ku saabsan gudbinta noocyada virus-kan sida B.1.1.7 iyo B.1.351, maxaa yeelay noocyadan waxay awoodaan in ay la fal galaan isbadalkasta oo ku yimaado Cimilada iyo unugyada shaqsiga.

Ugu danbeeyntii WHO, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dadka laga badbaadiyo isbeddelada iyo faaitaanka fayraskan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker