Sucuudiga Oo soo Bandhigay Macluumaad Iraan la Xidhiidhinaya Weeraradii Ceelasha Saliida.(Sawiro)

Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday eedayn culus oo Tehran dusha u saaraysa masuuliyada Weeraradii ceelasha Saliida ee dalkeeda waxana eedayntan u dambaysay uu sucuudigu yidhi “Su’aal lama galin karo in Tehran ay ka dambaysay weeraradaasi.

Kornayl Turki al-Malki oo ah afayeenka Wasaarada Gaashaandhiga ee Sucuudiga ayaa soo bandhigay hadhaagii hubkii lagu weeraray ceelasha saliida, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay duqeymaha uga iman kareen dhinaca Yemen.

Kornayl Turki al-Malki waxa uu sheegay in qaybaha burburka ah ee la soo helay iyo gantaalada lagu weeraray ceelasha ay muujiyeen cadaymo isku mid ah, ahna “wax aan la dafiri karin” oo daaha ka faydaya cadowtinimada Iiraan ay u hayso Boqortooyada.

Al-Malki ayaa sidoo kale sheegay in isku gaynta 25 drones ah oa ay ku jiraan gantaalada lagu weeraray ceelasha ay yihiin hub ay isticmaasho Iran ee loo yaqaan Delta Wing (UAVs).

Saraakiisha Sacuudiga waxay sheegeen in gantaalkada maraakiibta oo lagu rakibay wax u muuqday matoor diyaaradeed oo dulka laga soo ganay uu ku jiro hubka lagu weeraray ceelasha inkasta oo aanu gantaalkaasi qarxin.

“Weerarka waxaa laga soo qaaday jihada waqooyi ee Iran ay naga xigto, waxana cad I Tehran ay ka dambaysay, waxaaanan ka shaqaynaynaa inaan ogaano goobta saxda ah ee laga soo qaaday weerarka” ayuu yidhi Kornayl Turki al-Malki

Intii uu socday shirkaasi Jaraaid, marar dhawr ah oo ay warbaahintu su’aalo waydiisay Al-Malki si toos ah uguma eedayn Iran weerark, waxase uu yidhi mar haddii “dambiilayaasha” la cadeeyo iyaga ayaa lala xisaabtami doonaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker