Tirada dadka u dhintay daacunka ee Zambia oo korodhay

Tirada dhimashada dadka ee cudurka daacuunka ee Zambia ayaa gaartay ku dhawaad ​​700, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Waa tii ugu badnayd ee abid dalka laga diiwaan geliyo. Cudurka Wuxuu ka bilaabawday caasimadda Lusaka, bishii Oktoobar, tan iyo markaas wuxuu ku fiday dhammaan gobollada Zambia oo uu ku dhacay in ka badan 19,000 oo qof. MSF waxa ay sheegtay in daacuunka si fudud loo daweeyo – laakiin haddii aan la helin daryeel habboon uu qofku ku dhiman karo saacado yar gudahood.

Cudurka waxaa sababa biyaha wasakhaysan, sidaas darteed helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo ayaa muhiim u ah joojinta sii faafitaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker