Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, oo dhowr maalmood un kahor ay qabsadeen ciidanka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay khasaare culus, oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ay ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda, kuna dileen illaa 159 askari.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka la iska caabiyey, islamarkaana lagu jebiyey maleeshiyada Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa intaas ku daray in dagaalkii halkaas ka dhacay lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

VOA si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashada dowladda iyo tan Al-Shabaab midna.

Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in ciidanka xoogga ay dagaalka uga dhinteen 7 askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa Guutada Dana bee Mareykanka uu tababaro.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka, oo inta badan dowladda ku taageera duqeymaha cirka, ay gacan ku siiyeen ciidanka dowladda dagaalkii saaka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker