Muxuu ka Turjumayay Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Somaliland iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay la kulmay Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga. Isla Markaana ah Hogaamiyaha Isbahaysiga Kenya.

 

 

Fariin uu bartiisa twitter-ka soo dhigay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayuu  ku sheegay in Raila ay ka wada hadleen arrima la xidhiidh Amniga iyo hormarka deegaanka.

 

Mr Biixi iyo wefti uu Hogaaminayo oo maalintii Axadda ahayd soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa sidoo kale inta ay Kenya ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la qaateen madaxweynaha Kenya iyo Masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

 

Kulanka ayaa yimi xilli Dowladda Somalia ay ku dhawaaqday in ay xidhiidhkii  u jartay dowladda Kenya ka dib markii ay ku eedeysay in ay faragalin ku heyso Arimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinteeda Soomaaliya U Joogay Inay  si deg deg ah uga soo baxaan  dalka Kenya

 

Iyagoo  oo sidoo  kalena dowladda Soomaaliya ay amartay in duplomaasiyiinta Kenya ee Somalida ahi  ay 7 cisho Gudahood kaga Baxaan Dalkeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker