Yuhuuda “Israa’iil” Oo Maanta Yeelatay Raysal Wasaare Cusub

Baarlamaanka Yuhuuda “Israa’iil” ayaa soo afjaray muddo 12 sano ah oo uu dalkaasi Raysal Wasaare ka ahaa Benjamin Netanyahu kadib markii ay u codeeyeen dowlad wadaag cusub.

Naftali Bennett, oo madax ka ah xisbiga  Yamina ayaa loo dhaariyey xilka raysal wasaaraha kadib markii cod cadhiidhi ah ay ku heleen 60-59 baarlamaanka.

Mr Netanyahu – hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee Yamina oo xukumayay, wuxuu sii ahaan doonaa madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha mucaaradka.

Codeynta ka dib, Mr Netanyahu wuxuu gacan qaaday Mr Bennett. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa durbaba hambalyo u diray Mr Bennett, isagoo sheegay inuu rajeynayo la shaqeyntiisa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker