Dabley Hubaysan Oo Nin Ganacsade Ah Ku Toogtay Magaalada Boosaaso.

Boosaaso-(OWN)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay wiil Dhalinyaro ah kana mid ahaa dadka Magaalada Boosaaso.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Shaafici ayaa ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee Magaalada Boosaaso, iyada oo raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Wiilka la dilay ayaanan la ogeyn sababta dilkiisa ka dambeysay, waxaana wararka ay sheegayaan in dableydii dilkaasi gaysatay ay baxsadeen.

Dadka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inaysan garan karin sababta loo beegsanaayo dadka ganacsatada ah ee ku nool Magaalada Boosaaso oo waayahan dambe dilalkooda joogto uu noqday.

Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa saaka la sheegay inay Magaalada ka wadaan hawlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, kuna baadigoobayaan kooxihii dilka gaystay.

Daacish & Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay ka gaystaan Magaalada Boosaaso oo ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker