Ururka ONLF Oo Hub Ka Dhigis Lagu Sameeyay

Jigjiga(OWN)- Ururka ONLF oo ka mid ahaa Ururada ka dagaallami jiray Ismaamulka Soomaalida ayaa hub ka dhigis lagu sameeyay kaddib heshiis ay la galeen dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Jigjiga ayaa Ismaamulka iyo hoggaamiyeyaasha ONLF waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis ay hubka ku dhigayso ONLF sidoo kalena uga mid noqonayaan dadka caadiga ah.

 

Ciidamada ONLF ee hubka laga dhigay waxa ay tiradoodu gaareysaa 1,740 Qof, kuwaas oo hubkooda lagu wareejiyay Ismaamulka.

Waxyaabaha kale ee la isku afgartay waxaa ka mid ah in Ismaamulka Soomaalida iyo ONLF ay si wadajir ah u shaqeeyaan kana shaqeeyaan danaha dadka deegaanka.

 

Ciidanka hub ka dhigista lagu sameeyay ayaa fursad u haysta in ay ka mid noqdaan Ciidanka ammaanka ee dowlad deegaanka ama in ay noqdaan shaqaalaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dhinaca dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, hoggaanka Ismaamulka Soomaalida iyo Madaxda Ururka ONLF.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker