Wadahadaladii Xukumada iyo Mucaaradka oo markale dib u furmaya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi iyo hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa maanta kulan ku yeelanaya kadib markii shalay uu baaqday kulanka, maadaama hoggaanka siyaasada ay shalay ka qeyb galeen aaska Shiikh Aadan Siiro.

Dhinacyadan ayaa markale ka shiraya Khilaafka Doorashada madaxtooyada iyo furista Ururrada siyaasiga ah.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa la filayaa in ay xal ka gaadhaan  khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo xubnaha mucaaradka  islamarkaana ay kasoo saari doonaan warsaxafadeed kulanka ay yeelanayaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay yeesheen kulan xukuumadda  iyo hogaamiyayaasha mucaaradka kaasi oo xal hordhac ah ka gaadhay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, oo ay xukuumaddu dooneysay in ay muddo kordhin sameeyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker