Kumanaan qof Oo haween U badan Oo Ku Banaanbax ka Dhigay Dalka turkiga

Kumanaan qof ayaa ka qeygbalay dibadbaxyo ka socda dalka Turkiga kaas oo looga soo horjeedo go’aankii dowladda Turkiga ay kaga baxday heshiis caalami ah oo ka shaqeynayay ilaalinta xuquuqda dumarka.

Waxaana dibadbaxyadan gadhwadeen ka ah dumarka oo gebi ahaanba ka soo horjeedo tallaabada Turkiga, Dadka banaanbaxyada dhigaya waxay ku qeylinayeen ereyo ay kamid yihiin ‘Caddaalad, sharci iyo xuquuq’

Heshiiska Istanbul ayaa waxaa ku xusan xeerar ka shaqeynaya xuquuqda dumarka gaar ahaan in wax tacaddi ah aanan loo geysan karin iyo kufsigaba.

Dumarka Turkiga ayaa in muddo ah banaanbax ay kaga soo horjeedaan arrintani ka dhigayay waddooyinka dalkaas tan iyo markii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ay soo jeedisay in heshiiska laga baxo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker