Somaliland Indhaha Ku Haysa In Dekedda Berbera Ay Kaalin Muhiim Ah Ka Qaadato Ganacsiga Badda Cas

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa maanta daabacday  warbixin ay kaga hadashay  sida Jamhuuriyadda Somaliland  ugu heellan tahay  inay dekedda Berbera noqoto  marinka ugu muhiimsan ee  ganacsiga  badda cas.

 

Wakaaladda wararka Somaliland  ee SOLNA, ayaa  soo xigatay warbixinta AFP oo werisay in magaalo xeebeedda Berbera ay si tartiib-tartiib ah isu beddelayso oo ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso maraakiibka mara badda cas, iyadoo himiladaasi tahay mid Somaliland ku gaadhi doonto barwaaqo iyo horumar. AFP waxay intaas ku dartay  in Somaliland  rejaynayso sidii ay u noqon lahayd mid ka mid ah marinnada ugu mashquulsan ee caalamka oo ay ka heli doonto shaqo abuur, isla markaana maalgashiga dekeddu badhi-taarayso aqoonsiga caalamiga ah ee ay  JSL baadi-doonaysay 27kii Sannadood ee la soo dhaafay.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay casriyeynta dekedda Berbera dawladda Somaliland uga gol-leedahay  si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo dakhliga dalka. Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu tilmaamay  in heshiiska ay la galeen  shirkadda DP World  yiddidiilo u tahay kasbashada  maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland doonayso.

 

Wakaallada AFP  waxay sheegtay in himilada Somaliland kor u kacday bishii March ee sannadkan, ka dib markii dawladda Itoobiya maalgashiga  dekedda Berbera laga siiyey boqolkiiba 19%. Shirkadda DP World ayaa gelinaysa Somaliland  lacag lagu qadaray 442 milyan oo doolar oo ay ku ballaadhinayso  dekedda Berbera, waxaanay wejiga hore  bilaabaysaa Bisha October ee sannadkan, waxaana lagu kordhinayaa dekedda 400 oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu soconayaa dhismahaasi 24 Bilood. Wakaallada AFP waxay intaas ku dartay in Dawladda Somaliland ay Imaaraadka carabta magaalada Berbera ka siisay saldhig millatari oo ay ku heshiiyeen muddo 25 sannadood ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker