Dad Somali ah ku Xayirnaa Sucuudiga oo Lasoo Gaadhsiiyay Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xayirnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya, sidoo kalena ku dhibaateysnaa dalkaasi.

 

 

Diyaarad sidday muwaadiniintan oo gaarayey illaa 132 ruux ayaa xalay ka soo degtay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

 

Dadka ay diyaaraddu keentay ayaa waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur, kuwaas  waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, kadib markiii uu soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xidhay ee Coronavirus.

 

Sidoo kale waxaa amarka muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyey bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale muwaadiintan Soomaaliyeed garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo loo xil-saaray soo dhoweyntooda.

 

 

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalmaha soo socda dalka Sacuudiga ay ka imaan doono illaa 4 duulimaad oo kale oo soo qaadi doonaa muwaadiniin kale oo weli ku xayiran gudaha wadankaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker