Somaliland oo M’uuliyiin u Xidh xidhay Arrimo Muq-maasuq

Hargeysa (OWN) – Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay in mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ay u xidheen arrimo la xidhiidha musuq-maasuq.

 

Mas’uuliyiintani  waxay ka tirsan yihiin Wasaarada maaliyada Somaliland, gaar ahaan waaxda Kastamada ee gobolka Togdheer, sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka hanti-dhowrka guud, Sacad Riiraash.

 

Sacad Cabdillaahi Riiraash ayaa sheegay inay soo xidheen labo mas’uul oo lala xiriiriyey musuq-maasuq, isla markaana ay socoto baaristooda.

Labada mas’uul ee loo xiray musuq-maasuqa ayaa waxay ka howl-galayeen kastamka canshuuraha gobolka Togdheer.

 

Sida ay ogaatay Warbaahinta Oodwaynenews, mas’uuliyiintaas ayaa Loo gudbiyey kiiskooda maxkamadda gobolka, taasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay kasoo saarto go’aan kama dambeys ah.

 

Riiraash ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay baaris ku wadaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Dawladda Hoose, Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco, kuwaas oo looga shakisan yahay wax isdaba marin iyo xatooyo dadweyne.

 

 

Somaliland ayaa sanadkan dar-dar xoogan gelisay la dagaalanka musuq-maasuqa, oo la rumeysan yahay in uu si weyn uga dhex baahay hay’addaha dowladda.

Waxaana muddo dhowr bilood gudahoodana musuq-maasuqa loo xidhay mas’uuliyiin kala duwan, halka kuwo kalena lagu xukumayo xabsi iyo lacago ganaax ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker