Dhegayso: Booliska Kenya Oo Maanta Xidh xidhay Dad U Badan Soomaali.

Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ee ka howlgalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas waxaa ay xireen 5 Ruux oo ay sheegeen inay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Dadka la xirey ayaa isugu jira saddex Ruux oo Soomaali ah oo laba kamid ah ay haween yihiin,mid kenyan ah iyo mid Mareykan ah,waxaana saraakiisha booliska Kenya ay sheegeen in dadkaas uu soo galay tuhun ah inay doonayeen inay weeraro ka fuliyaan Magaalada Nairobi.

Qaar kamid ah Warbaahinada ka howlgalla Gudaha Kenya ayaa daabacey in raggaas xilliga la xirayey ay wateen Gaari nooca Toyota Vitz,waxaana dadka la xirey ay kala yihiin,Maxamed Xasan Baarriyoow, Hodan Cabdi Ismaaciil iyo Ifraax Maxamed Abshir oo Soomaali ah, Maxamed Cabaas Maxamuud oo Mareykan ah, iyo Maxamed Aadan oo Kenyaan ah.

 

 

 

Dowladda Kenya ayaa ciidamadeeda Heeggan galisay maalmihii lasoo dhaafay iyagoo bilaabay Badhitaano u muuqda inay kaga hortegayso  Dawladu  Weeraro ay suuragal tahay in kooxaha Argagixisada ay ka gaystaan gudaha dalkeeda.

WARBIXINTAAS OO FAAHFAAHSAN HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO:

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker