Dhegayso: Warbixin Dhamaystiran oo ka hadlaysa Xaaladda Qassan ee Dalka Ethiopia
Dhegayso: Warbixin Dhmaystiran oo ka hadlaysa Xaaladda Qasan ee Dalka Ethiopia
Intii ay socdeen weerarrada isku-daygan af-gambi ayaa waxaa lagu dilay Dr. Ambachew Mekonnen oo ahaa madaxweynihii gobolka Amxaarada iyo Ezez Wassie oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Amxaarada, waxaana sidoo kale la dhaawacay Xeer ilaalihii guud ee Gobolka Amxaarada Migbaru Kebede.
Magaalada Addis Ababana waxaa toogasho lagu dilay Taliyihii ciidamada waddankaas Jeneraal Seare Mekonnen iyo nin kale oo Jeneraal ahaa oo hawlgab ah laguna magacaabo Gezae Aberra. War saxaafadeed ka soo baxay Xariiska Ra’isul Wasaaraha Ethiopia .
Haddaba sidee ayuu ku yimid isku-dayga afgambiga Itoobiya ka dhacay?
Sidoo kale ma ka badbaadi kartaa dawladda Abiy Axmed? Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu hordhigay Rashiid Cabdi oo ah khabiir Ka faallooda arrimaha Geeska Afrika,, horeyna madax uga soo ahaa Xafiiska Hay’adda Xasaradaha Caalamka ICG ee Bariga Africa