Qarax Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Qarax gaari ayaa ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

 

Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray gaari nuuciisa uu ahaa Hilux ayaa ku qarxay meel gaadiidka cilada looga bixiyo oo uu yaallay gaarigan.

 

Ma jirin waxyeelo khasaare ah oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo in burbur xoogan uu soo gaariga oo xilligaasi aanay jirin cid saarneyd.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa wada baaritaan halka gaarigan qaraxa looga soo xiray iyo xaqiijinta qofkii gaarigan lahaa.

 

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay dhawr qof u soo xireen qaraxan, kuwaasi oo hada baaritaano lagu sameynayo.

 

Ciidamada ammaanka ee ku sugan isgoysyada wadada Maka Al Mukarama ayaa adkeeyay ammaanka, waxayna baaritaano dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yaryar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker