Manchester United oo dusha u saaratay Guuldaradii ay kala kulantay Wolves Ciyaar yahankooda Paul Pogba

Manchester United ayaa difaaac adag kala kulantay kooxda Wolves oo marti ay u ahaayeen ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen kulankii xalay, iyadoo Paul Pogba uu Man United ka qasaariyay rikoodhe ay guusha ku xaqiijisan lahaayeen, iyadoo United ay iska qasaarisay fursad ay hogaanka Premier League ku qaban kartay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaliya hal bedel ku sameeyay shaxdii uu kaga badiyay Chelsea isbuucii hore isagoo ku soo bilaabay Daniel James oo booska kala baxay Andreas Perriera.

Qeybtii hore ee ciyaarta Manchester United ayaa kubada inteeda badan iska heysatay inkastoo xaga weerarka aysan wax badan sameynin, iyadoo daafacooda uu muujinayay isku duubni iyo isfaham aad u weyn. Laakiin qeybtii hore oo dhan labada kooxoodba waxa ay heleen seddex Laad oo goolal u sahlilahaa hadii aanay Qasaarin.

Man United ayaa rigoodhe loo dhigay ka dib markii Coady uu qalad ku galay Paul Pogba xerada ganaaxa dhexdeeda. Garsoore ayaa gool ku laad tilmaamay iyadoo VAR ay xaqiijisay goolka.

Paul Pogba ayaa qasaariyay afar rigoodhe labadii xilli ciyaareed ee Premier League ee ugu danbeysay, waana ciyaaryahanka ugu qasaarinta badnaa mudadaas.

Waxa ay ciyaarta ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah iyadoo Manchester United ay iska qasaarisay fursad ay xalay ku qaban lahaayeen hogaanka horyaalka Premier League.

Isbuuca soo socda Manchester United ay garoonkeeda Old Trafford ku soo dhaweyn doontaa kooxda Crystal Palace.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker