Madaxweyne ku-xigeenka JSL Oo Ka Qayb-galay Tartanka Orodada Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo gabo-gabeeyay tartanka orodada oo ay ku tar-tamayeen dawladdo badan oo isugu yimid Tartankaas oo loo xushay in lagu qabto Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Tartankaaas oo ay ku guulaysteen ciyaartooyadii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uga qayb-galay Somaliland, iyagoo galay kaalmaha Koowaad, Laabaad iyo Saddexaad-ba.

 

Wasiirka Dhalinyaraddda iyo Ciyaaraha Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tar-tankani yahay kii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu qabto, waxaanu bogaadiyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo soo xidhay tar-tankaasi ayaa isna si weyn u hambalyeeyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in tartankani sumcad ballaadhan usoo jiiday Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhalinyaradii ku Ordaysay magaca Jamhuuriyadda somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker