James Swan Yaa u Yeedhay?

Weriyayaasha Somaliland waa labo: Kuwo wax fahansan balse, dantooda dhaqaale iyo kuwa amni eeganaya oo iska aamusan – dadkana aan waxba la wadaagin iyo qaar da’ahaan dhashay 90aadkii oo mihnadda saxafadda aan fahansaneyn in ka baxsan qaciidadii Lasswell – hebel baa yidhi sidaa, halkaas ayuu joogay, waxa ayna dhacsay xilligaas!  Labada qoloba waxa ay ka siman yihiin hoos in aysan ugu dhaadhicin wararka.

Maanta waxa la is waydiin karaa, maxaa isku soo beegay immaatinka Feysal iyo imaatinka James Swan – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilaan Somaaliya.

Eng. Faysal waa hubaal in uu si dhaw ugu xidhan yahay beesha caalamka, markaa haddii uusan isagu soo dhaqaajin Mr. Swan, waxa xaqiiq ah, in uu isku soo beegay maalinka uu James immanayo Hargaysa – good strategy.

Meelaha weriyayaashu ay ka gabiyaana waxa ka mida tixraaca hadalada iyo meelaha ay daaran yihiin hadaladu.  Qudbadii James Swan, waxa ku jirtay in uu Madaxweynaha kala hadlay Duurjoogta Somaliland.  Arrinkaasi dharaarahanba wuxuu ahaa mid yaala maqaaxiyaha iyo marfashyada lagu rogrogo dhacdooyinka Somaliland.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada iyo Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Wasiir Faratoon, waxa labaduba ay ka siman yihiin in ay kaliya soo weriyeen dhinaca Biixi fariintii ka tagtay, dhinaca Ergayga kuma ay dheeraan.  Hadaba dhinaca Ergeyga ayaa shacabka Somaliland dani ugu jirtaa in ay ogadaan qodobadi uu kala hadlay waayo, 51% in ka badan shacabka Somaliland waxa ay ku kalsoon yihiin Ergaysa UN-tu in uu Somaliland uga lexejecli badan yahay Madaxweynaha.  Dhanka hadalka ay dadka la wadagayaan Madaxtooyada iyo Ergayga haddii maanta Hargaysa afti laga qaado, waxa aan ku rajo waynahay in ay kalsooni u muujin lahayeen hadalka Ergayga.  Sidaa waxa aan u leeyahay, Ergaygu wuxuu ka hadlay:

Xorriyadda hadalka

Caddaalada

Nidaamka Booliiska

Ku dhaqanka xeerka

Ergaygu waxa uu sheegay UNtu 16 xafiis in ay ku leedahay Somaliland, kuwaas oo gacan ka geysta horumarka Somaliland, dawladnimada Somaliland, amniga iyo arrimah la xidhiidha caawimooyinka.  Ergeyga ayaa caddeeyey UNtu in ay taakulayso dugsiyada hoose ee Somaliland, tayeyso macalimiinta Somaliland iyo xirfadaha dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay.  Dadka abaaruhu bara kiciyeen ayuu carrabaabay Ergaygu.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha u gudbiyey in la qabto doorashada barlamaanka sanadkan.  Waxa kale oo uu tilmaamay in Xisbiyada Mucaaradka loo daayo camalkooga.

Ereyga qiimaha leh ee Ergeyga aan ka guntay, wuxuu ahaa “si joogto ah,ayaa aan ugu soo noqnoqonayaa Somaliland, waxa aanan sii ambaqaadi doonaa dhamaytirka qodobadii aynu isla qaadanay maanta .”  Halkaasina waa Ila Meerayso ma jirto.

Ergaysa waxa aan odhan lahaa “Muddane soo noqnoqo Adiga oo nabad ah”.

 

Axmed Abdi Adam

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker