Mas’uulkii Jeel Ogaadeen ka Madaxda ahaa oo la Xidhay

Mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa u xaqiijiyey idaacadda VOA in la qabtay nin horey madax uga soo ahaan jiray xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeen oo ay ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida ay diiwanageliyeen hay’adaha xuquuqda aadanuhu.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Axmed Ibraahim “Xasan Dheere” waxaana la sheegay inay xalay qabteen ciidamada amniga ee Puntland.

Mas’uul u hadlay maamulka Soomaalida ayaa VOA u sheegay in ninkaasi haatan loo dhaadhiciyey magaalada Jigjiga, uuna xiran yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker