Taliban oo dib u eegaya go’aankii ay haweenka kaga mamnuuceen waxbarashada

Xukuumadda Taliban ee ka arrimisa dalka Afghanistan ayaa Khamiistii sheegtay inay ka fikirayaan in la fududeeyo amarkii haweenka lagaga mamnuucay waxbarashada, iyaga oo intaas ku daray inay socdaan dedaallo arrintaas lagu xallinayo, waxayna amarka ay soo saareen ku macneeyeen inuu ahaa “tallaabo ku meel gaadh ah”.

Bayaanka ka soo baxay xukuumadda Taliban ayaa jawaab u ahaa baaq uu soo saaray Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka ee loosoo gaabiyo OIC, kaas oo ay ku midaysan yihiin, badi dalalka Islaamka ah ee caalamku, waxaana ururka Islaamku ugu baaqay Taliban inay ka laabtaan go’aankii ay haweenka kaga hor-istaageen waxbarashada iyo weliba inay u shaqeeyaan hay’adaha samafalka.

Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 waddan oo fadhigiisu yahay dalka Sucuudiga, ayaa yeeshan kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen guddidooda fulintu, si ay arrintan uga wada hadlaan.

Bayaan ka soo baxay shirkooda aan caadiga ahayn ayaa go’aanka ururka Taliban lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka hor imanaya sharciga Islaamiga ah iyaga oo ugu baaqay in ururka Taliban ay dib u eegaan go’aankooda ay haweenka kaga mamnuuceen goobaha shaqada iyo waxbarashada.

Bayaan ka soo baxay shirka ka dib OIC ayaa mamnuucista ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah shareecada Islaamka iyo “habka” Nabi Muxamed, iyaga oo ku booriyay Taliban in ay dib u eegaan go’aamada haweenka looga mamnuucay waxbarashada iyo shaqada.

Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker