Haweeney 30-Sanno Jir Ah Oo Hal Meel Ku Dishay Lix Carruur Ah Oo Ay Dhashay

Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel ay biyo ku jiraan.

Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho. Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas.

Hase yeeshee, dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga dhigay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.
Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.

Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxay isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa sanad jir, gabadha ugu wayna waxay ahayd 10 jir.”

Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dambe ee Isniintii ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi. Aabbaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol-maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker