Masuuliyiinta Gobolka Daad-madheedh Oo Soo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaangelinta Kaadhka Codbixinta Doorashooyinku.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Daad-madheedh Maxamuud Axmed Cali (Jubba) ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaan gelinta codbixinta ee gobolkaas.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Daad-madheedh Maxamuud Axmed Cali (Jubba) ayaa ka warbixiyay deegaannada uu kormeeray waxaanu bulshadda Gobolka Daad-madheedh ugu baaqay in ay is diwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka.

Qaar ka mida odayaasha iyo Cuqaasha gobolkaas ayaa dhankooda ugu baaqay bulshada kuna wacyigeliyay qaadashada kaadhka Codbixinta oo ay dadku codkooda ku dhiiban-doonaan doorashooyinka soo socda ee Deegaanka iyo Wakiiladda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker