Zinedine Zidane Oo Gurmad U Fididay Gobolka Bejaia ee Waddanka Algeria

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa qaaday tallaabo uu ugu diir-naxayo dadka ay dhiigga wadaagaan ee reer Algeria, waxaanu gurmad caafimaad u fudiyey magaalada ay qoyskoodu kasoo jeedaan ee Bejaia ee oo ah caasimadda gobolka Bejaia oo dhaca Woqooyi bari Algeria, halkaas oo xanuunka Coronavirus laga diiwaangeliyey kiisas badan.

 

 

Sida uu sheegay masuul ka tirsan Dawladda Algeria, Zinedine Zidane ayaa ugu deeqay waddankiisa qalab caafimaad oo lagula tacaalo xanuunka coronavirus, waxaana loo qaybiyey cusbitaallo dhawr ah oo lagu daaweeyo bukaannada.

 

Qalabkan ayaa iskugu jira sariiro ay ku rakiban yihiin qalabka neefsiga caawiya iyo waxyaabaha ay u baahdaan dadka xanuunku ku dhacay ee taageerada uga noqda inay neefsadaan, ayaa Khamiistii gaadhay dalkaas.

 

 

Kaalmadan waxa siday oo geeyey Algeria Ismael Zidane oo ah aabbaha tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane, sidoo kalena ah guddoomiyaha jimciyadda tabarucaadka ee Zidane Charity.

 

Badhasaabka Gobolka Bejaia, Ahmed Maabed ayaa uga mahadceliyey Zidane iyo aabbihii ficilka wanaagsan ee ay sameeyeen iyo gurmadka ay lasoo gaadheen dadkooda asal ahaanta ay kasoo jeedaan ee ay dhiig-wadaagta yihiin.

 

Waddanka Algeria ayaa xanuunka Coronavirus uu si xawli ah ugu afaafayaa, waxaana uu ku dhacay 1,666 qof oo ay 235 ka mid ah geeriyoodeen.

 

Zidane waxa uu ku dhashay magaalada Marseille ee waddanka Faransiiska sannadkii 1972-kii, laakiin aabbihii iyo dhamaan xubnaha qoyskiisa ayaa kasoo guuray gobolka Bejaia ee waddanka Algeria.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker