Farmaajo Iyo Xisbiyadda Mucaaradka Soomaaliya Inama Kala Xigaan, Way Inoo Siman Yihiin .

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
Waa Laga Wanaagsan Yahay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi, Xisbiga Ucid Iyo Xisbiga Wadani Inay Isku Tuur Tuuraan Ama Ay La Fadhiistaan Ama Salaamaan Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Muxammad Cabdullaahi Farmaajo Ama Xisbiyadda Mucaaradka Ee Muqdisho Ka Jira, Somaliland Iyo Soomaaliya Intay Kala Noqonayaan Laba Wadan Oo La Aqoonsan Yahay Waa Laga Wanaagsan Yahay Inaynu Isku Soo Faruurno Siyaasad Xumadda Ragaadisay Soomaaliya Ee Muddo 28 Sano Ah Aan Noqon Wadan Cagihiisa Isku Taaagay.
Belaayada Ka Hor Tag Ayey Leedahay, Ka Daba Tag Ma Leh, Hadalada Ay Marinayaan Xisbi Xaakimka Kulmiye Iyo Xisbiga Ucid Ee Ay Leeyihiin CabdulRaxmaan Cirro In Badan Ayuu Si Qarsoodiya ULa Kulmay Farmaajo, Ummaddana Umuu Soo Bandhigin, Faysal Cali Waraabe Ahaan Iyo Cali Khaliif Waxaanu La Kulanay Farmaajo!!!!!!, La Kulankii Masuuliyiinta Soomaaliya Mar Haddii Sharci Jebin Lagu Xalaashaday, Maxaa Ka Hor Taagan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane CabdulRaxmaan Cirro Inuu Farmaajo Ku Casuumo Caasimadda Somaliland Ama Farmaajo Uu Kula Kulmo Caasimadda Soomaaliya???!!!., Waxaad Moodaa Xaaladdii Sadexda Xisbi Qaran U Eekayaal Inuu Xaalkoodii Marayo Mindi Mindi Ku Taag,
Xisbi Hebel Ku Jiqsi.
Farmaajo Iyo Xisbiyadda Mucaaradka Soomaaliya Inama Kala Xigaan Oo Way Inoo Siman Yihiin, Waana Inaynaan Soo Kala Dhowaysan Balse Aynu Soo Wada Dhowayno Dhamaantood Mucaarad Iyo
Muxaafadba, Colaadkasta Ama Jabhado Kasta Oo Farmaajo Somaliland U Samaystana Nidaam Wanaagsan Oo Loogu Caqli Celin Lahaa, Oo Si Hoose Loo Dhamayn Lahaa  Farmaajo Loogu Sheego, Caalamku Way Inala Yaabayaan Inagoo Aqoonsi Raadinaynay, Markaynu Idaacadaha Ka Nidhaahno Mucaaradka Soomaaliya Waxaanu Ula Kulanay Sidii Aanu Farmaajo U Ridi Lahayn!!!!!!, Waa Yaabka Yaabkii, Farmaajo Miyaanu Ahayn Madaxwaynaha Soomaaliya, Miyaanu Cod Barlamaan Ku Iman, Wadankii Wada Hadalku Inuu Dhexeeyey Miyaanu Madaxwayne U Ahayn???!!!, Arrimahaasi Waxay Noqonaysaa Faro gelin Wadan 28 Sano Weli Colaado Ka Taagan Yihiin, Oo U Baahan In Wax Lagala Qabto Dhinaca Amniga, Ganacsiga, Deris Wanaaga, Balse Dabkii Ka Baxayay Halkii Laga Shaqayn Lahaa Sidii Loo Damin Lahaa In Shidaal Lagu Sii Shido Waa Mid Subxaanallaah Oo Allaah(Swt) Laga Nabadgalo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker